Ciidamada Dowladda oo Iska Caabbiyay Weerar ay al-Shabaab Kusoo Qaadeen Saldhig Ciidan oo Ku Yaalla SH/Hoose

AFGOOYE:-Ciidamada Xoogga Dalka ayaa iska caabbiyay weerar ay kooxda al-Shabaab ku soo qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahannada kooxdu ay isku dayeen in ay xoog ku galaan saladhigga ciidamada iyaga oo dhinacyo kala duwan ka soo weeraray hase yeeshee ay iska caabbin xooggan kala kulmeen dhanka ciidamada.

Iska hor imaadka oo socday in kabadan saacad ayaa galinkii dambe ee Axaddii ka dhacay deegaanka Mukayga oo masaafo aan sidaa u fogayn u jira magaalada Afgooye.

Idaacadda ku hadasha afka ciidamada ayaa sheegtay in kooxda ay isku dayeen in ay jiidhaan fadhiisinka ciidamada hase yeeshee ay ciidamadu u babac dhigeen.

Saraakiisha ciidamada ayaa ku warramay in saldhigga uu haatan ku jiro gacanta ciidamada kooxihii weerarka soo qaadayna ay dib u baqa carareen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa koofurta iyo bartama Soomaaliya ka wada howlgallo ay ku doonayaan in ay deegaannadaas kaga tirtiraan kooxda al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa wali ku dhuumaaleysanaya deegaanno ku yaalla koofurta da;ka iyaga oo halkaas ka soo abaabula falal isugu jira qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weerarro dhabbo gal iyo miino aasid ah.