QM oo Cambaareysay Weerarkii Shalay Ka Dhacay Waddada Degmada Afgooye.

MUQDISHO:-Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareysay weerar ismaadaamin ahaa oo Sabtidii ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaramada Midoobay ayaa tacsi u dirtay ehellada iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii qaraxaas ku dhintay.

“Qaramada Midoobay waxay ka walaacsantahay kana murugoonaysaa weerarkii argagagixiso ee lagu qaaday howlwadeennada Soomaalida iyo Turkida isugu jirta oo ka shaqeynayay dhismaha waddada Afgooye, waxayna dadkii weerakaasi ku waxyeelloobay ay u rajaynaysaa caafimaad” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay hay’adda.

Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii qof isa soo miidaamiyay uu weerar ku qaaday shaqaalaha ku howlan dhismaha waddada Afgooye oo ay ku jireen injineerro Tukiga ka soo jeeda taas oo muddo hakad gelisay dhismaha waddada.

Dhismaha waddadan oo ay maalgelinayso dowladda Qadar fulinaysana shirkad dhisme oo Turki ah aya aqeyb ka ah howlaha dib loogu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.