Nin Bambooyin xalay ku weeraray Xaafad ka mid ah Muqdisho oo ciidamada Muqdisho ku toogteen.

Muqdisho:-Faahfaahino dheeraad ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar la sheegay inuu fuliyey nin ku hubeysnaa Bamo gacmeed oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in la toogtay ninkii fuliyey.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay toogtay ninkaas oo la aaminsanyahay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii uu bambada nooca gaanta laga tuuro ku weeraray goob ay ku sugnaayeen.

Ilaa laba qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen bambaanooyinka uu ku weeraray ninka la dilay.

Ciidamada ayaa rasaas furay, balse dad ku sugnaa goobta ayaa sheegay in ninka oo baxsad ah ay mar dambe toogteen dhalinyaro dharcad ah oo ku sugnaa agagaarka isgoyska Howlwadaag.