Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya u magacaabay Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) oo horay u soo noqday Wasiirka Ganacsiga Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Saacid.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka G/sare Maxamuud Dalab ayaa ka tirsan Taliska Booliska, wuxuu horay ula soo shaqeeyay Maxkamaddii Badbaadada ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Jen. Maxamuud Geelle Yuusuf.

Guddoomiyahan cusub ayaa waxaa uu bedelayaa Guddoomiyahii hore  Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Jen. Liiban Cali Yarroow oo xilkaas muddo haayay.