Maamulka K/Galbeed oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Wafdi uu horkacyo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed janaraal Maxamed Shiikh Cabdullahi Ciirow oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Iyo Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gaaray deeganka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Bay, halkaasi oo Fariisin u ah Ururka 45-aad guutada 8aad qeybta 60aad ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ujeedada wafdiga ayaa ahaa u kuur gelida baahiyaha ka jira deeganka iyo dhiira gelinta ciidamada ku sugan halkaasi, waxaana mas’uuliyiinta ay si kala gooni gooni ah ula kulmeen Shacabka degaanka, iyaga oo sidoo kale dardaaran u jeediyeen Ciidamada kala duwan ee dowladda.

Taliyaha ciidamada xooga dalka qeybta 60-aad janaraal Maxamed Shiikh C/laahi ciirow ayaa ugu horeyn ciidamada xerada kula hadlay isagoona ku dhiira geliyey iney sii laba jibaaraan la dagaalanka Al-Shabaab.

Degaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Bay ayaa waxay ka mid tahay degaannada hoostaga Magaalada Baydhabo, waxaana dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah & Al-Shabaab.