Iska indha tir, iskana Ogolaaw!!!. (Faallo)

Sharcigu waa wax aad u laciif ah oo warqad ku qoran, ama aan ku qorneyn oo lagu heshiiyay ( F.S: 1aad ). Hal Qof ayaa Fartiisa ku foorari karo Sharciga ( F.S:2aad). Haddaan la helin Gacmo badan oo ilaashanayo si uuna u dheelin. ( F.S:3aad).
Xaqiiqdu waa:
1. Ex-Gudoomiyihii hore ee Baarlamaakii 10aad ee waqtigiisii dhamaaday & Xildhibaanadii hore.
2. Wasiiro ka tirsan Xukuumada Sharci ahaan aan la aheeyn Awood sharci oo ey ku ansixiso Heshiis cusub ama ey ku qaadato go’aan Howleed cusub.
3. Sarkaal iyo Asgari aan heeysan Sharci ahaan Madax ey ka Amar qaataan.
4. Dastuur ku meel gaar ahaa oo haddana muddadiisii Dhaqangalka ku meel gaarnimadu ka dhamaatay.
5. Madaxweyne maalmo ey uga hareen in uu noqdo ex- madaxweyne, Haddana uuna qaadan karin go’aan sharciya oo cusub Bacdamaa ey meesha si sharciya ey uga baxday awoodii Labadii Baarlamaan ee u soo gudbin lahaa go’aanadooda Hindisa sharciyeedyada ay ansixiyaan, isaguna la’aantood uuna qaadan karin go’aan sharciga waafaqsan.
5. Gudiyo aan dhismahoodu Sharci aheyn, Howsha ey qabtaana ey ansixineeyso hayad kale oo lafteedu aan Sharci ku dhisneyn.
6. Xaqiiqdaasi waxa ey dhashay Shacab aan aqoon cidda xukunto.
Haddii Qof la yiraa, Cumrigaagii waa dhamaaday ee Hal sanno ma laguugu darayaa. Jawaabtu waa Haa, Haa. Laakin waxa uu qabto, waa wax qabad Meyto, lamana yaqaan si sharciga loo waafajiyo Dambi ey Meyto gasahay.
Hadda waxa jira Qaran Somaliyeed laakin ma jirto Xukuumad Somaliyeed oo Dalka oo dhan wada xukumto, waxaa jira Xarfaan Xoogsataa oo midba meel xirtay si uu xukunkiisa ugu xoola raadsado.
Xaqiiqdu waa sidaa, la jiifiyaa iyo in la is yeelyeelaana banaan, waase dambi. Kii aan Xaqiiqdaa ogeeyna, Adigoow kugu eedeynayaa wax uuna isaguba ogeyn. Xaqiiqdu waa taa, Mucaarad ahaaw ama Muxaafad, Qaran dhise ama Qaran dumiye. Haddii aad rabin Xaqiiqada ” is ka indha tir, iskana ogoow” .
Qore: Yahya Amir