Bililiqo miyaa? Boob miyaa? mise Sharcigaa Baneeyay?.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in Shirkado yar yar oo Dalaaliin ah oo aan awood u leheeyn in ey Shidaal ka soo saaraan Gunta hoose ee Badda loo Saxiixo Heshiis shidaal, si looga helo fara qabsi yar oo ah “Form out sell” oo laga helayo Lacagta loo yaqaan ” Bonuses revenue” iyo Surface rents” oo kaliya oo aad u yar ,marka loo fiiriyo Qiimaha Heshiiska.
weliba in lagu soo beegu waqti xasaasi ah oo Baarlamaankii Ansixin lahaa heshiisyada Dibadda uu waqtigiisii dhacay, iyada oo eyna la socon arrinta Madaxda Maamul gobaleedyada Ceelashu ey ku yaaliin, iyo in eyna Heshiiska goob joog ka aheeyn khubaro Somali ah oo bartay arrimaha shidaalka iyo heshiisyada la xiriiro.
Alloow Sahal umuuraha.
Qore: Yahya Amir