Shirkado Diyaaradeed oo ku heshiiyey kordhinta Qiimaha Tikit-ka Muqdisho-Nairobi iyo gobolada.

Shirkadaha Diyaaradaha ee kala ah Daalo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air ayaa saxiixday heshiis lagu kordhinayo qiimaha Tikit-ka  lagu raaco diyaaradaha u kala socda Muqdisho & Nairobi, qoraalka heshiiska oo ay saxiixeen Wakiilo ka socda shirkadahas 1-Jan-2021 soona gaaray somaliweyn Media  ayaa muujinaya in qiimaha Tikitka Muqdisho-Nairobi uu ku dhow yahay ama noqon doono laba jibbaarka qiimihii hore.

$140 (Boqol iyo afratan Dolar) ayuu ahaa qiimaha Tikit-ka Muqdisho-Nairobi kahor heshiiska 4ta Shirkadood halka Nairbobi-Muqdisho uu ahaa $150 (Boqol & Konton Dollar) hayeeshee sida ay  Shirkadahan duulimaadku ku heshiiyeen Qiimaha Tikit-ka Muqdisho-Nairobi ayaa noqonaya $260 (Laba boqol & Lixdan Dolar) Dadka Waaweyn halka carruurtu ay ku raaci doonaan $230 (Laba boqol & Soddon Dolar).

Wakiilo kasocda Shirkadahan ayaa booqday garoomada diyaaradaha ee Kismaayo, Garoowe & Baydhaba iyaga oo wada-xaajood la galay Wasiirada gaadiidka iyo duulista Hawada ee Dowlad-goboleedyada KGS, Jubbaland & Puntland, sidaas oo kale waxa ay Wakiilada Shirkadaha Daalo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air kala hadlayaan arrintan Wakiiladaha hay’adda Duulista Hawada iyo Mareeyeyaasha garoomadaas si ay uga dhaadhiciyaan uguna qanciyaan in ay aqbalaan Kordhinta qiimaha cusub.

Shirkadahan ayaa sidoo kale ku heshiiyey in ay kordhiyaan qiimaha Tikit-ka lagu raaco diyaaradaha u kala goosha gudaha dalka iyaga oo go’aamiyey in ay joojiyaan tartanka u dhexeeya  ee dhinaca Qiimaha iyo adeegga, sidaas awgeed waxa ay ku heshiiyeen hal diyaarad oo keli ah ay tagto maalinkii halkii ay laba ilaa Saddex diyaarad geli jireen duulimaad maalinkii.

Waa maxay sababtu?
Sida ay Mustaqbal u sheegeen madax kamid ah hay’adaha duulimaadka Soomaaliya Shirkadaha JetwaysPaf, iyo Silver Stone oo fadhigoodu yahay Kenya kana mid ah Shirkadaha ugu waaweyn ee  Soomaaliya ka Kireeya diyaaradaha ayaan illaa hadda kordhin  Qiimaha ay shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya uga Kireeyaan diyaaradaha hayeeshee Daalo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air ayaa go’aansaday in ay qalaiyeeyaan Qiimaha Tikit-ka si ay u sameeyaan Faa’iido badan, sidaas waxa u sheegay Mustaqbal xubno katirsan duulimaadka Waddanka.

Wasaaradda gaadiidka & duulista Hawada, Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo hay’adda Duulista rayidka ayaan weli kahadal heshiiska lagu kordhinayo Qiimaha Tikit-ka diyaaradaha iyo sida ay shirkaduhu u abuurayaan Jawi Monopoly ama tartan la’aan ah kaas oo halis ku ah ganacsiga duulimaadka Waddanka.