Saraakiisha Ciidamada Galmudug oo ka arinsaday qaabkii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadooda.

Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariiful Arwaax) Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil u hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa Galmudug ayaa gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa horay u soo maray magaalooyin dhowr ah sida, Dhuusamareeb,Gaalkacyo, Cadaado, Caabudwaaq,Balanbale iyo kuwa kale oo ka tirsan Galmudug.

Taliyaha ayaa kormeeray dugsiga tababar ciidanka ee Harqaboobe oo ku yaala degmada Guriceel halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha dugsiga iyo saraakiil kale oo halkaasi ku sugan.

Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidamada kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada maamulka galmudug.