Qarax jugtiisa aad u waynayd oo ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo ka mid ah duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Xaawo Cabdi iyo Lafoole ee duleedka Magaalada muqdisho, isla markaana lala eegtay Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada halkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxay ku warameen in Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay Ciidamada toogteen, markii uu ku dhawaaday Goob ay ku sugnaayeen Injineerada Turkiga & Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, sidaasina uu ku qarxay.

Wararka horudhaca ah ee la helay ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda halka mid ka mid ah Injineerada Turkiga uu ku dhaawacmay.

Dhismaha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa haatan maraya halka loo yaqaan Soos, oo u dhaxeeyso Lafoole iyo Xaawo Cabdi, waxaana amaanka waddada sugaya Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.