Madaxtooyada Soomaaliya oo digiin culus u dirtay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee xildoonka ah.

Cabdi Saciid Muuse la taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga digay Siyaasiyiinta mucaaradka ee xildoonka ah inay siyaasadeeyaan Arrimaha Ciidamada.

Isaga oo ka jawaabayay eedeeyn qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ku jiraan Midowga Musharixiinta u jeediyeen Madaxweyne Farmaajo shirka ka socda garoowe ayuu sheegay in Ciidamada dowladda dhamaantood ay yihiin kuwo dalkaan u dhimanaya oo lagu kalsoonaan karo.

Wuxuu ugu baqay Siyaasiyiinta xildoonka ah ee rajada ka leh Villa Soomaliya inaysan siyaasadeen arrimaha Ciidamada, isaga oo sheegay in uuuga digayo inay siyaasadeeyaan Ciidamada.

“ Markii aan imaaneynay waxaa la dhahaayay Reer waayo, waa caadi dadka markii ay jago rabaan in la dhaho wa reer laakin yaa dhimanaayo waa ciidanka, marka dowladda Ciidamada xataa hadii ay ka yimaadaan Buuhoodle ama jalalaqsi waan ku kalsoonahay” ayuu yiri la-taliye Cabdi Saciid Muuse.

Dhanka kale Hadalka la taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Cabdi Saciid Muuse ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli inta badan Siyaasiyinta mucaaradka ay Madaxwyene farmaajo ku eedeeyeen inuu Arrimo siyaasadeed u adeegsaday ciidamada kuna weeraro dadka ka aragtida duwan.