Maanta Sidee yahay Hadraawi?

Maanta sidee yahay Hadraawi?

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yasin, Qormo uu Abwaan Hadraawi, ka qoray ku dhawaad 16, Sanadood kahor!

HADRAAWI: FAYLASOOFKA SOOMAALIYA.

Taariikhda: Agoosto 29, 2005

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi): waxa uu qiyaastii 1943-kii ku dhashay miyiga degaanka gobolka Togdheer. Aabbihii Ibraahim Warsame Siciid oo Walanwal loo yaqaanney, ayaa Alle ha u naxariistee ahaa nin laftiisu wax ka yaqaan curinta maansada Soomaalida, gaar ahaan Afarreyda. Ibraahim Walanwal waxa uu geeriyoodey sannadkii 1983. Hadraawi hooyadii Kaaha Jaamac Buux ayaa iyadu waxa ay xijaabatey naxariistii janno Ilaah ha ka waraabiyee Maxamed oo qiyaastii jira 7-8 sannadood. Hadraawi waxa la dhashay oo ay walaalo ahaayeen toddoba wiil iyo gabadh keliya, waxana maanta nool saddex ka mid ah wiilashaasi. ISHA: Hadraawi Website

Nasiib-xumo wali lama’aanan kulmin Hadraawi, waxaanse lakulmay aqoon-tiisii, gabayadadiisii, iyo xikmadihiisii. Waxaan dhawaan helay cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu ku duubay gabaygiisii dheeraa ee Daba-Huwan, intaan xusuusanahay horudhaca gabaygaas, waxaan dhagaystay ilaa 9. jeer, waana hubaa inaanan wali ka bogan, waana sababta igu dhalisay inaan maqaalkan qoro.

Hadraawi waa Abwaan gabay-aqood ah, waa aftahan hadal abuur ah, waa Faylasoof mustaqbalka eeg ah. Intaas uu yahay, waxaa qarineysa inuu Soomaali ka dhashay, waan hubaayo hadduu dad aan Soomaali ahayn ka dhalan-lahaa sida uu maanta yahay ma’ahaadeen, oo maxaa ka maqan?

Falaasifada dalalka kale u dhasha magacooda meel dheer ayuu tagaa, waxaa la gaarsiiyaa iney iyagu yihiin hormuudka nolosha oo dhan.

Soomaalidu waxay taqaan, ama wax u ogoshahay oo kaliya kuwa Siyaasada ku jira, dunida aan maanta ku nool-nahay falaasifada ayaa hagta. Taariikhaha nasoo maray oo dhan yaa hormuud u ahaa? Dhamaantood waa faylasoofyo wadamadaas u dhashay, qaarkood shar ayey soo kordhiyeen, qaarna khayr ayey soo biiriyeen.

Nin-karmeedka Soomaali ka soo dhex-baxa iyaga ayaa nolol dila, halkuu horay usocon-lahaa iyaga ayaa curyaamiya, marka uu noloshooda tala ka siiyo adiga maxaa kaa galay bey dhahaan.

Waxay u qabaan, waxaad cunto oo kaliya hadaadan ka fakarin ee danaha dadka kale marwalba ka hadasho inaad tahay manoolo aan dantiisa aqoon.

Ilam’adeer isma indha buuxiso. Naagi nimay taqaan nin ma mooda. Dantaada harag eeyna waa loogu seexdaa. Naftiis gabo mid kale makal-kaalo. Meel il laga la’yahay hadaad tagto adna ilbaa la’istiraa.

Intaas oo maah-maah ah iyo kuwa kale oonan xusuusan waxay muujinayaan sida dhaqanka Soomaaliga ay ugu jirto ninwalbow dantaada ku’ekow, tan dadka kale waxba kaama galinee.

Hadraawi wuxuu tusaale u yahay halka ay Soomaalidu dhigto ninka ka soo dhexbaxa. Idaajaa ayaa booqday Maraykan-ka, xaflad ay Soomaalidu lahayd oo ay quursiga uga hadlayeen ayuu ka qayb-galayey, nin oday ah buu usheegay inuu halkaas usocdo, wuxuu ku yiri: Kuwaasi hadal unbey hayaanee faraha ka qaad, oo waxaas wakhtiga ha’isaga dhumin.

Awjaamac Cumar Ciise ayaan bari ku soo qaaday sida ay Soomaalida u xushmeyso raggeeda wax ku oolka ah, kolkaasuu qiso iiga sheekeeyey, wuxuu yiri: Qarnigii hore, dhamaadkii afarta-meeyadii ayaan tuulo tagay, gabayadii Daraawiishta nin hayey ayaan doonayey, laba odayoo meel fadhida ayaan ku iri hebel xagee daganyahay? Oo maxaad ka rabtaa ayey dhaheen?

Gabayadii Sayidka inuu hayo baan maqlay marka inaan ka qorto ayaan rabaa, ayuu ugu jawaabay, gurgiisii ayey ii tilmaameen, anoon ka dhaqaaqin ayey iyagii isweydiiyeen, tolow muxuu ku falaya gabayadii Sayidka? Oo maxayse u tarayaan? Kii kale ayaa ujawabay oo yiri: Malaha wuxuu rabaa Makhaayada magaalada inuu shaah kaga cabo.

Hadalkaas adigu dhuux oo ka garo heerka aan ka joogno qiimeyta dadka daneeya taariikhdii umadan.

Waa suurowdaa inaad ku doodo, ninkaasu baadiye ayuu joogay, jaahilna waa’ahaa, ee dadka heerkaas mawada ahan. Awjaamac isla sheekadii isagoo ii wada ayuu yiri, sanadkii 2002 ayaan maalin salaamay nin ganacsade ah oon isnaqaanay, buugaagta aan qoro ayuu iga waraystay, waxaan u sheegay inaan mar dhaw soo saari-rabo buug yar laakiin kharashka ku baxayo uu noqon-karo Afar kun oo Doolar, inta qoslay ayuu yiri: Oo adeerow markaad Afar kun buug xun galinayso maad ku ganacsatid.

Awjaamac wuxuu yiri: Hadalkaasi wuxuu isoo xusiisiyey kii aan lakulmay qarnigii hore.

Awjaamac Cumar Ciise wuxuu maanta mudnaa inuu bilad sharafeed ka helo bulshada Soomaalida illeen isaga ayaa u badbaadiyey qayb mug leh oo kamid ah sooyaalkii dalkan. Taasi ma dhicin, mana muuqato iney soo socoto.

Hadraawi waa uu ka soo guuray Yurub, sababtii uu uga soo guuray isagoo sharxaya wuxuu yiri: WAAN ISWAAYEY. Waa hal jumlo oo yar, laakiin macanaha ay xanbaarsan-tahay buugaag laga qori karo. Isla Hadraawi ayaa fasiray macnaha eraygaas. Markii aan Soomaaliya joogay ee aan laamiga soo istaago dhawr gaari ayaa ku diriri-jirtay sidii ay ii qaadi-lahaayeen, markiise aan Yurub tagay waxaan is arkay Hadraawi oo wado qabow badan taagan, baabuurtuna dhaafayaan, iyagoon aqoonin ninka laamiga taagan dad ninkuu kayahay. Wuxuu ula jeedaa gurgaaga hooyo ayaad sharaf ku leedahay.

Yaanan shacabka Soomaalida oo dhan ku xad-gudbin, oo ixtiraam iyo qadarin wey u hayaan raggooda wax ku oolka ah, waxaanse canaanta u dhigayaa halkii la rabay wali ma’aysan gaarin.

Horadhaca gabayga Daba-Huwan wuxuu Hadraawi ku sheegay inuu muddo dheer ka fakaray mushkilada umadiisa haysata sidii xal loogu heli-lahaa, wuxuu aad u dhaleeceyey in ragga talada haya loo arko iney iyaga un mushkilada tahay, oo hogaamiye-hebel haduu meesha ka baxo in loo maleeyo iney wax hagaagayaan. Wuxuu qabaa hadaan fikrada wax lagu maamulayo la badalin, hogaan la baday ineysan isbadal keeneyn.

Xalka uu hayo markii uu ka hadlayey wuxuu sheegay in Soomaalida dhaqankeeda, diinteeda, iyo waxa lagu maamulo aysan islahayn, wuxuu qabaa haddii aan Diinta Islaamka loo soo laaban inaan wax horumar ah la gaareynin, xalna laheleynin.

Taladiisu waxay tahay kitaabka quraanka ah in lagu dhaqmo, maxaayeelay buu yiri: Quraanka aduun-yada ayaa loo soo dajiyey ee aakhira kuma saabsana. Waa sharcigii isku xiri-lahaa anaga iyo nolosha, haddiise aan islaam-nimada ku soo koobno salaad iyo sooon, inta kalana aan ka tango, dhibta aan ku jirno laga bixi-maayo.

Hadraawi nolol kala duwan ayuu soo maray, dhacdooyinkii Siyasadeed ee dalka ka dhacay intooda badan saamayn ayuu ku lahaa, hadase waxaa muuqata inuu gaaray xaqiiqadii dhabta ahayd, su’aashuse waxay tahay, dadka Soomaaliyeed ee uu ka dhashay ma ku raacayaan xaqiiqadaas?

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@hotmail.com
SomaliTalk.com | Aug 29, 2005