Duqayn culus oo Xalay lagu bur buriyay Xaruntii Idaacadii Al-Shabaab ee Al-Furqaan.

Muqdisho:-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Kuunyabarow ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo lagu bartilmaameedsaday xarun Idaacadda Al-Shabaab ee Al-Furqaan.

Duqeyntaas oo ahayd mid culus ayaa waxaa la soo sheegaayaa inay ka dhasheen khasaare iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac, waxaana fuliyey diyaaradaha aan duliyaha laheyn, kuwaas oo illaa hadda aan la ogaan dalka laga leeyahay.

Al-Shabaab ayaa baraha ay internet-ka ku leeyihiin waxay ku baahiyeen in mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay afar Gantaal ku weerartay xaruntii Idaacadda Al-Furqaan ee ku taallay degaanka Kuunya-barroow.

Al-Shabaab waxay sheegeen in duqeyntaas ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah. sidoo kalena burbur baahsan uu soo gaaray xaruntii Idaacadooda.

Dhanka kale ma jirto cid weli sheegatay duqeynta lala beegsaday xarunta Idaacadda Al-Shabaab ee Al-Furqaan ku laheyd deegaanka Kuunya-Barrow, hayeeshe duqeymaha noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan fuliya diyaaradaha Mareykanka, kuwaas oo taageera siiya ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Mareykanku tababaray ee kumaandooska Danab.