Ciidamada Puntland oo dhaq dhaqaaqyo ka wada degaano ka tirsan Gobolka Ceyn.

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaano ka tirsan Gobolka Ceyn, halkaas oo soomaliland ay dooneyso inay ka sameyso diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha doorashooyinka Somaliland.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa degaannada ay dhaq dhaqaaqyada ka wadaan ayaa waxaa kamid ah degaannada, Xararanka, Hagoogane, Maygaagle, Kalshaale, Gocondhaale iyo Ceegaag, waxaana Sarakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay doonayaan in ay ishor-staag ku sameeyaan diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha doorashooyinka Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ugu Magacaaban Gobolka Cayn Col. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed Nuur (Af-weyne) ayaa sheegay in ciidamada ay suurtagashay inay hor-istaagaan in Soomaliland diiwaangelinta Cod-bixiyaasha ay ka sameyso degaannadaas.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta waxaa uu sheegay in Bulshada ay ka wacyi-geliyeen diiwan-gelinta doorashooyinka Somaliland, si Bulshada u diidaan qorshaha ay wadaan Soomaaliland, taasina ay ku guuleysteen.

Soomaliland ayaa dhawaan bilaawday diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, waxaana jira degaano ka tirsan gobolka Sool & Sanaag oo ay doonayaan inay diiwaangelin ka bilaabaan, iyada oo qeybo kamid ah ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaaliland.