QOYS SOOMAALIYEED OO EEDEYN U JEEDIYEY TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA SOOMAALIYEED

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa lagu eedeeyay dhul boob xoogan oo uu ku hayo mid ka mid ah qoysaska ciidanka Booliska, iyadoona eheladaasi ay sheegeen inuu doonayo taliyaha inuu ku wareejiyo qoys ka soo jeeda eheladiisa.

Jamaal Cabdi Cabdulle oo ka mid ah ehelada cabaneysa ayaa sheegay in dalka Canada uu ka dacweyn doono Taliyaha Booliska Soomaaliyeed bacdamaa uu taliyaha heysto Baasaboorka dalkaasi.

Dhulkan oo ku yaala degaano ka tirsan Ceelasha Biyaha oo lagu magacaabo Arbacow, hase yeeshee Cabdi Cabdulle oo ka mid ah ehelada isla markaana ka tirsan waxgaradka degaankaasi ayaa sheegay in muddo saddex maalin ah ay ku xirnaayeen saldhigga Booliska degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Waxa uu sheegay in xaaskiisa ay u geeriyootay cadaalad darro, wuxuuna ugu baaqay dowladda Federaalka inay wax ka qabato cadaaladda darrada ay ka tabanayaan taliska ciidamada Booliska Soomaaliya.

Halkaan ka Daawo