Faransiiska oo Booliis fara badan dhigay wadooyinka dalkaasi.

Faransiiska ayaa waxa uu isku dubaridayaa 100,000 oo boolis ah si ay u kala kaxeeyaan dadka isugu soo baxaya xafladaha lagu soo dhaweynayo sanadka cusub ayna u dhaqangaliyaan bandowga dalkaas lagu soo rogay si loo xakameeyo fayraska korona.

Ciidammada dheeraadka ah ayaa sidoo kale looga gol-leeyahay in lagu hor istaago in gawaari dab la qabadsiiyo arrintaas oo badanaa la sameeyo habeenka ugu dambeeya ee sanadka.

Faransiiska ayaa waxa uu xaqiijiyay in 2.6 milyan oo xaaladood oo fayraska korona ah, tiradaas oo ah tan shanaad ee ugu badan caalamka, halka dhimashaduna ay ka badan tahay 64,000 oo qof.

Sida dalalka kale ee Yurub, Faransiiska ayaanan looga dabaaldegin dhalashada sanadka cusub xilli uu jiro cudurka safmarka ah.

Khudbadda sanadka cusub ay jeedisay ayey hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, waxa ay si qiiro leh uga hadashay cudurka safmarka ah kaas oo “wax ku soo rogay qof walba, dadka qaarna kaba saa’id caleeyay” sanadkii 2020.

Waxa ay u tacsiyaysay dadka Covid-19 uu ka dilay kuwii ay jeclaayeen, waxayse weerrartay sheekooyinka fayraska korona laga sameeyay, “kuwaas oo aanan been iyo halis kaliya ahaynee bay tiri balse wax xanuun badan oo dhib badan ku ah dadka”.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gérald Darmanin ayaa waxa uu amray in bartamaha magaalooyinka la geeyo ciidamo muuqan kara laga bilaabo 20:00 fiidnimo markaas oo ah waqtiga uu bandowga bilaabanayo.

Magaalada Paris kala bar khadadka tareennada ayaa waxaa la xiri doonaa fiidkii, halka Mr Darmanin uu sidoo kale waydiistay in guud ahaan dalka oo dhan laga hakiyo gaadiidka dadweynaha.

Walow ay xaaladaha fayraska korona ay soo kordhayaan, walaacna laga qabo nooca cusub ee cudurkaasi, ayaa afhayeen u hadlay dowladda waxa uu sheegay in haatan aanan loo baahnayn in xayiraado la soo rogo. Faransiiska waxaa haatan saaran laba xayiraad oo qaran, halka makhaayadaha, baararka iyo goobaha loo dalxiis tago ay xirnaan doonaan.