Erayga (Madaxweyne) in laga tanaasulo maxay ka qabaan madaxda maamul-goboleedyada?

Waxaa maalintii labaad magaalada Garowe ka socda Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee uu soo qaban qaabiyay Machadka Heritage.

Madashan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa markii u horeysay sanadkan 2020 lagu qabtay gudaha Soomaaliya, halka sanadihii u dambeeyay lagu qaban jiray dalka Jabuuti.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dowladda federaalka, Guddoonka Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, Midowga Musharaixinta iyo marti sharaf kale.

.

Shirka oo socon doonaa muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa qeyb ka ah dood cilmiyeedyo looga hadlayo xaaladda dalka, sida Amniga, Siyaasadda, Dib u eegista Dastuurka iyo sida Soomaaliya uga bixi karto marxaladda kumeel gaarnimada si dalka ay uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2025-ka.

Haddaba markii ay dhamaatay qeybtii khudbaha ayaa waxaa la guda galay qeybta doodda, waxaana masraha la soo fariisiyay 3-da madaxweyne ee maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kuwaasi oo ay su’aalo ay weydinayeen martida ka soo qeyb gashay shirka.

Waxaa jirtay su’aal wiil dhalinyaro ah uu soo bandhigay oo Soomaali badan ka dhex-guuxeysa, oo ay doonayaan iney jawaabteeda helaan.

Ka warrama haddii meesha laga saaro magaca ‘Dowladaha Xubnaha ka ah federaalka’ iyo jagada ‘madaxweynaha maamul goboleedyada’?

Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaa waxay micneheedu tahay wax aad geli karto kana bixi karto.

Dhanka kale caadiyan hogaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu yeeraa madaxweyneyaal, taasi oo in badan dadku ay is weydiiyaan sidee ayaa madaxweyne loo dhihi karaa qof gobol xukuma, ama imisa madaxweyne ayay Soomaaliya leedahay?

Su’aasha oo lagu wareejiyay madaxweyneyaasha si ay uga jawaabaan ayaa waxaa ku hormaray madaxweynaha Puntland, Siciid Cadbullaahi Deni.

Dani
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni

Siciid oo aanan meelo kale soo marin ayaa markiiba bixiyay jawaab deg-deg ah isagoo sheegay inuusan marnaba ka tanaasuleyn magaca madaxweynaha.

“Aniga waan soo koobaya waxaan leeyahay kama tanaasuleeyno madaxweynaha, Xubnaha Dowlad Goboleeyadana hadda kama tanaasuleyno sababta aan u qaadannay ayaa jirta,” ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas sii raaciyay: “Soomaaliya sida dastuurka uu dhigayo waa in gobolka uu ka mid noqdo dowladda federaalka, marka haddi la is fahmi waayana waa laga bixi karaa xubinimada, Soomaali hadday is fahmi weyso isku dabranaan mayso ayaan is leeyahay. Soomaalida waa inay fahanto sababta loo qaatay dastuurkan oo ay dadku heshiis ku yihin.”

Dhanka kale waxaa jawaabta isla su’aashaasi guda galay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoor-qoor”, oo u muuqday inuu ka ra’yi duwanaa Dani, wuxuuna sheegay inuu isagu qabo in laga tanaasulo magaca madaxweyne. Wuxuu soo jeediyay in laga tashado magacyo kale si meesha looga saaro magaca “madaxweyne”.

Qoor Qoor

“Aniga waxaan aaminsanahay in laga tanaasulo iyadoo la dhowrayo sharafta dowladda oo Soomaalida uma qalanto dhowr madaxweyne, taas oo wiiqeysaa qabkeenii iyo dowladnimadeena. Waxaan qabaa in madaxweynuhu uu hal noqdo kuwa kalena magac kale loo raadiyo”

“Dal ayaan booqday, oo waxaa loo sheegay inuu madaxweynaha Galmudug imaanayo, laakin waxay u qaateen in madaxweynaha Soomaaliya uu imaanayo, markaan tagay ka dib ayaan u sheegay oo aan ku iri arrintu sidaa ma ahan, marka isgarab yaac iyo madaxweyneyaal badan dan nooma ah. Hadda tan dastuurka ayay ku qorantahay laakin waxaan qabaa in dib loogu noqdo oo wax laga baddelo.” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, ayaa fursad loo siiyay in uu ka jawaabo isla su’aashii, balse isagoo u muuqda inuu si kooban usoo afjarayo ayuu sheegay in “arrintan ay ku xirantahay nooca federaalka ee la qaato”.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam

“Waxay ila tahay in howshu ay ku xiran tahay nooca federaalka ee la qaato, meesha aan kasoo qaadanno, nooca loogu dhaqmo, magacyada la qaato. Marka sheyga asalka ah waa in aan marka hore dhammeystirno nooca federaalka ee aan qaadaneyno kaddib aan ku qeexno dastuurkeenna markaasna isaga ayaa magac bixin u sameynaya waxa ka dhiman iyo noocyada ay noqoneyso,” ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Saddex madaxweyne oo shirka ku sugnaa ayaa su’aashaas fikirkooda ka dhiibtay, hase yeeshee waxaa kulanka ka maqnaa labo madaxweyne oo ka mid ah madaxda shanta maamul goboleed ee ay ka kooban tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed “Laftagareen” iyo madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” ayaa ka maqnaa madasha.

Mas’uuliyiinta macadka Heritage ayaa sheegay in labada madaxweyneba ay casuumaad u fidiyeen balse ay imaan waayeen, inkastoo aan la ogeyn sababta ay uga baaqdeen.

Xigasho:BBCSomali