Shirka Madasha Aragti Wadaagga oo si rasmi ah uga furmay Garoowe.

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo daah furay shirka Madasha Aragti Wadaagga ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay soo dhaweynayaan sida ay u ajiibeen ka qeybgalka shirka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in go’aano muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed uu ka soo bixi doono shirka.

“Waa fursad in Madaxd dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada, Madaxweynayaal hore, siyaasiyiin iyo mas’uuliyinta kale ee ay ka qeyb galaan shirka, waxaan u rajeynayaa in uu si guul ah nogu dhamaado, waxaana shacabka Soomaaliyeed u rajeynayaa in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in ka qeybgalayaasha ay arggtidooda ku soo bandhigi doonaan Madasha, si loo gaaro wax wada ogol.