Dhulgariir Ku Dhuftay Dalka Croatia.

ZAGREB:-Dhulgariir xoog badan oo Talaadadii ruxay bartamaha dalka Croatia ee qaaradda Yurub ayaa lagu soo warramayaa in uu sababay geerida ugu yaraan 7 qof iyo dhawaaca labaatameeyo kale.

Dhul gariirka oo uu lixaadkiisu la ekaa 6.4 cabbirka dhul-gariirrada ayaa laga dareemay dhowr waddan oo deris la ah Croatia, waana marki labaad oo muddo laba maalin gudaheed ah uu dhul-gariir ka dhacayo Croatia.

Kooxaha badbaadada ayaa guryaha burburay hoostooda kasoo bixiyay dhowr qof gudaha magaalada Petrinja iyo deegaannada u dhaw dhaw.
Ciidamada millatariga ayaa loo diray aaggaasi si ay dadka u caawiyaan.

Meelaha kale ee laga dareemay dhul-gariirka ayaa waxaa ka mid ah caasimadda Croatia ee Zagreb iyo caasimadda Austria ee Vienna halka dalka deriska la ah ee Slovenia uu xiray warshadda niyukleerka sameysa, si looga dhowrsado khasaare uu sababo dhulgariirka.