Caro xoog leh oo ka dhalatay meydka cunug yar oo la gubay

Gubitaanka qasabka ah ee Sri Lanka loogu gaystay maydka canug yar oo Muslim ah oo 20 maalmood jiray ayaa waxa ay bannaanka soo dhigtay amarka muranka badan uu ka dhashay ee dowladda ee ah in la gubo maydadka dhammaan dadka u dhinta cudurka Covid-19.

Dadka dhaliilaya go’aankaas ayaa sheegaya in go’aanka aanan lagu salayn cilmiga sayniska balse loogu talagalay uun in lagu bartilmaameedsado bulshada laga tirada badan yahay.

Maxamed Faahim iyo xaaskiisa Fathima Shafna ayaa aad u farxay markii uu dhashay wiilkooda yar ee Shaykh 18-kii Nofeembar kaddib lix sanadood oo ay sugayaan. Hasayeeshee faraxaddaas ma aanay sii raagin.

Habeenkii bisha Diseembar ay aheyd 7, ayaa waxa ay arkeen canugooda oo ay neefta ku dheggan tahay. Waxa ay kula ordeen Isbitaalka carruurta ee Lady Ridgeway, oo ah kan ugu wanaagsan caasimadda Colombo.