Nabadoon ka mid ah Odayaashii soo xulay Baarlamaanka oo goordhow Muqdisho lagu dilay.

Muqdisho:-Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bustoolado ayaa waxay Gordhow degmada Deyniile ee gobolkan Banaadir ku dileen mid kamid ah Nabadoonadii soo xulay Baarlamaanka 10aad ee waqtiga xilheyntiisa sii dhamaanayo ee Federalka ah ee Soomaliya.

Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Macalin Cabdi Siyaad Geedi ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Suuqa ariga lagu Iibiyo ee ku yaalla Xaafada Raadeelka ee degmada deeyniile ee Magaalada Muqdisho.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in raggii ka dambeeyay dilka Nabadoonka ay durba goobta ka baxsadeen, waxana gaaray ciidamo Boolis ah oo ka tirsan Saldhiga degmada Deyniile, kuwaas oo ku sugnaa qeyb ka mid ah Suuqa, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Meydka Nabadoonka la geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da, iyada oo ay meydka goobta ka qaadeen ehellada Nabadoonka & Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga Soomaaliya.

Dhanka kale maamulka degmada Deyniile iyo laamaha Amniga degmadaas weli ka ma hadlin dilka loo geystay Naabdoonka, waxaana horay muqdisho & qaar ka mid ah Gobolada dalka loogu dilay Nabadoonadii soo xulay ergada dooratay Baarlamaanka Soomaaliya.