Midowga Musharixiinta Qaarkood oo ku wajahan saacadaha soo socda magaalada Garoowe.

Saacadaha soo socda ee Maanta ah ayaa waxaa la filayaa in qaar ka mid ah Madaxda Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya inay tagaan Magaalada Garoowe oo ah xarunta gobolka Nugaal.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa hoggamin doona Musharixiinta, kuwaas oo la sheegay inay laba ujeedo u tegi doonan magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ay Garoowe kaga qyeb-geli doonan Shirwyene u dhaxeeya Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo xal ka gaarsita khilaafka ka taagan doorashada.

Midowga Musharixiinta ayaa waxay Magaalada Garoowe iyo degaannada kale ee Puntland waxay ka sameyn doonaan kulamo la xiriira ololahooda doorashada, iyaga oo sidoo kale ka qeyb-geli doona Barnamijyo dooda ah oo halkaasi ka dhacaya.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sirasmi ah u sheegay booqashada ay maanta ku tegayaan Magaalada garoowe, iyada oo halkasi si wyen looga dareemayo qaban qaabada soo dahwyentooda.

“Waxaan  ku wajahanahay magaalada Garoowe. Muddada aan joogo waxaan la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ka qaybgali doonaa dood cilmiyeedyo iyo barnaamijyo kale oo aan aragtidayda siyaasadeed ku soo bandhigaayo. Waxaa iga go’an inti suuragal ah in aan qof walba oo Soomaali ah rugtiisa ku gaaro” ayuu yiri Daahir Geelle.

Kulanka ka furmaya Magaalada Garoowe ayaa waxaa sidoo kale ka qyeb-geli doona Ururada Bulshada rayidka, kuwaas oo door wyen ku yeelan doona xalinta khilaafka ka dhashay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Dhanka kale Ammanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Shacabka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka ay isha ku hayaan shirweynaha Garoowqe uga furmaya Madaxda Dowladda, Dowlad goboleedyada & Midowga Musharixiinta.