Koonfur Afrika oo ka dhaca xiligaan oo kale weeraro lagu bartilmaameedsanayo Ganacsatada Soomaalida.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku ganacsata waddanka Koonfur Afrika ayaa sheegay in waqtigan uu dalkaas ku jiro dabaaldegga ciidda Masiixiga ay wajahayaan weerraro qaar ka mid ah dadka deegaanku ay ku soo qaadayaan.

Waxa ay sheegeen in marka waqtigan la gaaro ay soo foodsaarto cabsi la xiriirta dilalka iyo dhac ay sheegeen in lagu beegsado dadka ajaanibta ah ee halkaas ganacsiyada ku leh. Falalka ugu badanna waxa ay ka dhacaan qaar ka mid ah tuulooyinka fogfog ee dalkaas.

Haddaba Cabdalla Xuseen Xasan waxa uu ka mid yahay Soomaalida ku ganacsata magaalada Durban ee dalka Koofur Africa, wuxuuna sheegay inay dhibaato ku qabaan Burcadda Konfur Afrika.