Koonfur Afrika oo 24-kii saac ee la soo dhaafay 14-kun oo qof laga helay Cudurka COVID19.

24-kii Saac ee lasoo dhaafay in ka badan 14 Kun oo Qof, ayaa Laga Helay Xanuunka COVID19SA, Waana Tiradii ugu Badneeyd Ee Maalinla ah ee la Diiwaangeliyo Tani Iyo Markii ay Dowlada Dhawaan Ku Dhawaaqday In Koroonuhu soo Labo Kacleeyay.


Heerka Dhimashada 24 Saac Ee Lasoo Dhaafay Sara ayey u kacday 411 Qof, ayaa Koronaha u Dhimatay sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dalkani Koonfur Afrika.
Gobolada Eastern Cape Iyo KZN, ayaa waxaa Xanuunka Koronaha ugu geeriyoday dad Ku dhow 200 oo Qof.

South Africa iyo Britain, ayaa ah Labada dal ee ilaa iyo hadda looga dhawaaqay New Strain Virus oo wata xumad ka daran tan COVID19.

C/Risaaq Indhajaceel