Diiwaangalinta murashaxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya.

Iyadoo maanta ay ku began tahay maalintii loo qabtay inay bilaabato diiwaangalinta murashaxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka ayaa guddiga doorashada heer federaal waxay sheegayaan inay maamul goboleedyada u direen waraaqaha diwaangalinta, hab raacyada doorashada iyo hannaanka lacagaha lagu bixinayo.

Sidaas oo tahayna illaa hadda ma muuqato cid iska diiwaan galisay caasimadaha dawlad goboleedyada oo ah halka ay ka dhici doonaan doorashooyinka mudanayaasha Aqalka Sare oo ka kooban 56 senator.

BBC-da oo xiriir la samaysay qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa waxa loo xaqiijiyay in ilaa hadda aysan jirin musharaxiin diwaangeliyay caasimadaha maamul goboleedyada.

Jubaland iyo Puntland ayaa weli ka biya diidsan hab raacyada iyo hannaanka doorashada.