Al-Shabaab oo nin ay ku tilmaameen inuu ahaa Sixiroole goob fagaare ah ku toogtay.

Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Ceelcadde oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ay ku toogteen Nin ay sheegeen in uu ku Shaqeysan jiray sixirka.

Ninkaas oo Magaciisa Lagu sheegay Maxamed Sidiiq Xuseen ayaa Al-Shabaab sheegeen in uu muddo ku Shaqeysan jiray sixirka, dad badana uu dhibatooyin kala duwan ugu geystay.

Garsoore u hadlay Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in Ninkaasi uu qirtay dambiga loo heystay, isla markaana muddo sanad ah uu ku Shaqeysan jiray sixirka.

Goobta toogashada ay ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah dadka ku nool degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo oo ay Al-Shabaab ku amreen inay u soo daawasho tagaan.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay fagaarayaal ku yaalla degaannada ay maamulaan ku toogteen dad isugu jira dhalinyaro iyo dad da’ah oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageerada Ciidan siiya.

Dhanka kale 11-kii Bishan ayay aheyd markii fagaaro ku yaal degmada Tiyeegloow oo ka tirsan Gobolka Bakool waxaa ay shalay gelinkii dambe ku toogteen Nin ay sheegeen in uu ku Shaqeysan jiray sixirka.