Haddii Oromo ey la dagaasho Tigree taa macnaheedu ma ahan,in Oromo ey Adiga Saaxiib kula tahay,Abiina walaalkaa yahay=Nasashada Jimcaha.Q-232=

1. Waxaa la yiri: Somaliya ha lagu qabto Doorasho Qof iyo Cod ah. Waxaa la isku toosi waayay Tubadii Musqusha iyo Waji dhaqii ( F.S: 1aad).

Waxaa la yiri: hala qabto Doorasho loo siman yahay waa dhici weeyday, Fadhiga Musqushu uma sino qof Jilbuhu xanuunayaan iyo qof kale ( F.S: 2aad).


Waxaa la yiri: hala qabto doorasho Daah furan oo aan qarsoodi aheyn, tan waa ka xishoonay ( F.S: 3aad).

(Shacabkii haddan nahay weli Calooshaa na xanuunee, Mindhicir juuq ayaana jiro).
2. Aragtida hore Nin kasta oo Qorax kuleeeylkaan Lix saac Jaaka ku wato oo Madax xiiran haddad Qurba joog u maleyso. Ogoow Cudurka Buufiskaa ku hayo.

Haddii Sawirka hoose Aragtida hore aad u qaadato Bushimo la caseeyay. waxaa ku hayo Cudurka Doobnimada ee Deg deg u guurso. ( F.S: 4aad).

3. Haddii Dawaco ey Cunto, Cadawgaaga “Laxdiisa” taa macnaheedu ma ahan in ey Dawacadu Adiga Saaxiib kula tahay.( F.S: 5aad).

( Haddii Oromo ey la dagaasho Tigree taa macnaheedu ma ahan, in Oromo ey Adiga Saaxiib kula tahay, Abiyena walaalkaa yahay.

Meeynuun Xassan Biyow oo aheeyd Laashin ( Abwaan ) ku nooleeyd Sh/Dhexe Sannadkii 1936, ayaa iyada oo diidan Dagaalkii Talyaaniga iyo Ethiopia in ey ka qeyb qaataan Dhalinyaro Somaliyeed, ayeey tiri : ” Intaan Guudka xiirto, Gaardi dheeli-maa, Gaal inta la duulana, Gaal kale ku duuli-maa, Laba Gaal dhexdoodana Guul ka raadin maa”.. Hadda Adigu, Tigree iyo Oromo dhaxdooda Guul ha ka raadin).

4. yaa ku yiri: Af Shiineesyaka barashadiisa ayaa adag. tan gadaalgadaal u aqri, waxa ey noqonee Af shiineys. “Shan Shillin ayuu Shaah ku shubtay Shiikhii “. Ma u Aqrisay, mar kale gadaal gadaal u aqri.

(Dhib jeclidaa, yaa ku yiri: Luuqadii Gadaal gadaal loo Aqriyo, mid kaleey noqotaa? Ma Dastuurkii Somalidaa oo marba dhinac loo fasiryaa ).

5. Nin Dhagool ahaa oo iska jeclaa in uu Mu’adin Noqdo, ayaa Maalin Masjid Cidla ah soo galay, Dhagoolka oo aan Aadaan iyo Hadalba aqoon, ayaa iyada oo aan la gaarin waqtigii Salaadda, inta Makroofankii qabsaday ayuu aad u qeeyliyay isaga oo leh: ‘Qaaaa, Guuuu, Qiiiii, Suuu, Kuu, bububuubuu.

Dadkii Magaalada ayaa isku soo ururay iyaga oo Dhagahu ey la dilaaci lahaayeen Shanqarta Makaroofanka, isna leh Buunkii Qiyaamaha miyaa la Afuufay. isagiina uu isleeyahya waad Aadaantay oo Dadkii sugayo. Dadkii ayaa ku soo xoomay isaga oo is leh Sallaadii ayaa loo yimid, Gacanta ayaana laga qabtay kadibna Dibadda ayaa loo saaray.

( Somaliya war mooge dheexaa muxuu Siyaasadda ku qeyliyay, Kadibna…….)
6. Nin Reer Cadaado ahaa oo la yiraa Mugdi Meeygaag Dhuxl ayaa Xamar weyne ku guursaday Gabar Reer Xamar- Camuudi ah oo la yiraa, Nuurto Cadeey Boolo.

isaga oo Xaafadda Turub ku Ciyaarayo ayaa lagu yiri: Bishaaro, Xaaskaagii Wiil ayey dhashay. Waxa uu yimid Gurigii, kadibna Wiilkii oo Maradii Dherebta ku daboolan ayuu wajiga ka feeyday, waxa uu arkay Wiil aad u madoow. Kadibna si caro leh ayuu u yiri: Naayaa, Annigu kan kaama dalban.( F.S: 6aad)

( No Comment)
Qore: Yahya Amir