Weriye C/qaadir Dulyar oo xabsiga Beledweyne lagu xiray

Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa xalay xabsiga dhigay weriye C/qaadir Maxamed Faarax Dulyar kaddib markii ay kala baxeen hotel ku yaala magaalada bartamaheeda.

Wararka ayaa sheegaya in weriye C/qaadir Dulyar lagu xiray saldhigga Booliska magaalada Beledweyne, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

Xariga weriyaha ayaa la sheegayaa inuu yimid saacado kaddib markii uu ka soo laabtay degaanka Ceelgaal halkaasi oo wareysi kula yeeshay Jan. Xuud oo jabhad ka asaasay halkaasi.

Bahda shabakadda Somaliweyn ayaa ugu baaqday maamulka Hirshabelle in weriyaha lagu sii daayo si shuruud la’aan ah, waxayna cambaareeyeen jirdilka loo geystay weriyaha.

Weriyeyaasha Soomaaliyeed ayaa sanadkan la kulmaya dilal, caga jugleyn iyo xarig joogto ah oo ay kala kulmayaan maamulada dalka ka jira, iyagoo aan helin cadaalad tacadiyada loo geysto.