Meeqa Hogaamiye oo Somaliya ayaa qaadatay Taladii Stalin?

Dunida dhacdooyinka ka dhaco waa isku egyihiin, Beni Aadamkuna Casharo ayeey ka dhigtaan, wixii waaya aragnimo ah ee soo maray ummaddihii ka horeeyay.
Joseph Vissarionovich Stalin, waxa uu noolaa 18 Dec. 1878 illaa 5 March 1953. waxa uu ku dhashay Gori-Georgia, Siyaasaddii Midawgii Sufyeeri ayuu Hogaamiye muuqdo ka ahaa 1920-1953.
Stalin ayaa Jijiile ah Dooro yar ka rifay Baalashii iyo Duftii oo dhan, kuligeedna murux ka dhigay iyada oo nool ( F.S: 1aad). Si uu Cashar uga dhigo kuwa isaga raacsan. Jijiilihii rifnaa oo dhiigayo, muddana baahnaa, Rafaadna ka muuqdo ayuu dhigay Taageerayaashiisa hortooda.
kadiban Stalin waxa uu bilaabay in uu hor socdo Jijiilkii, Isaga oo xoogaa yar oo Qamadiya marba qeyb u daadinayo, si ey u daba socato. weyna daba socotay, iyada oo marba dhinaca uu aado u daba raaceeyso.
Stalin ayaa Taageerayaashiisii ku yiri: Tani waa Tusaale ah, Dadka Doqomada ah sida loo hogaamiyo, waa iska kaa daba soconayaan iyaga oo aan dib u fiirin, wixii dhibaato ahaa ee aad hore ugu geeysatay, waxa kaliya oo muhim u ah, wax yar oo aan macno leheyn oo marba aad qeyb u daadiso. ( F.S: 2aad).
Taariikhda Somalida Guud ahaan Meeqa Hogaamiye oo ah Somali iyo Ajnabi oo taladii Stalin qaadatay ayaa soo martay?. Yaa ahaa Jijiilihii?. Magaaladee Qamadiga loogu daadiyay?. Sannadaheey aheyd?.
Qore: Yahya Amir