Hooyo waa fahamtay ee Aabe fahamsii.!!!

Hooyo ayaa Saddaxdeeda Gabdhood isku habeen la wada guursaday. waxa ey kula balantay in mid waliba ey subaxii u soo dirto Fariin Qoraal ey ugu sheegeeyso wixii ey la kulantay habeenkii Aqal galkeeda.
Usbuuca kadib ayaa tii ugu weyneed u soo qortay Fariin kooban oo ah: “NESCAFE” Hooyadii oo Caqli badneed ayaa soo qaadatay Gasac ey ka dhamaatay NESCAFE. Waxaa ku dul qoran ii dheh aheyd.
“FANTASTIC TILL THE LAST DROP” oo macnaheedu yahay “Aad u fiican illaa Dhibacda ugu dambeeyso”. Hooyadii waa qososhay iyada oo fahamtay fariinta Gabadheeda.
Bil kadib ayaa Gabadheedii 2aad u soo dirtay Fariin qoraal ah “BENSON”. waxa ey soo qaaday Baakad Sigaar oo Seygeedu lahaa, waxaa ku dul qoran, ii dheh aheyd. “EXTRA LONG AND KING SIZE” oo macnaheedu yahay ” Sigaar aad u dheer waana Cabirkii Boqorka”. Hooyadii waa fahamtay , hoos ayeeyna u tiri: ma xumo Gabadheeyda waa ku kalsoonyahay.
Lix Bil kadib ayaa tii ugu yareed u soo Qortay “African Express Airway – Nairobi – Mogadishu”. Hooyadii waxa ey wacday Shirkadda Dayaaradaha African Express , waxa ey weeydiisay Duulimaadyada Nairobi -Mogadishu. Waxaa lagu yiri : Maalintii waa 4 Duulimaad, 7da Cisho ee usbuuca maalin kasta, Mudadda Duulimaadku waa Laba Saac oo xiriir ah. Hooyadii ayaa tiri: Gabadheeydu ma noolo waa daashay.
Aabe Qurbaha joogo ayaa Saddaxdiisii wiil waxa ey yiraahdeen: Somaliya ayaan Xildhibaannimo ka doonaneynaa. muuqdo kadib ayaa midba Fariin qoraal ah u soo diray. Mid waxa uu soo diray ii Dhehdaan, mid waa BASBAAS, FANTA, ASPRIN. Odaygii waa fahmi waayay ee u sheega Macnaha iidhehda Wiilasha.
Qore: Yahya Amir