Golaha Midowga Musharraxiinta oo jawaab ka soo saaray jadwalkii doorashada ee lagu dhawaaqay.

War saxaafadeed ay goor dhow soo saareen Golaha ay ku mideysan yihiin musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee mucaaradka ah ayaa si kulul looga jawaabay war maanta kasoo baxay Guddiga doorashada Soomaaliya oo lagu shaaciyay jadwalka doorashada.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu cambaareynayaa go’aanka ay guddiga sharci darrada ah ee ay Dowladda Federaalka ah magacawday ku iclaamiyeen jadwalka doorashooyinka heer Federaal”. Ayaa lagu yidhi bayaanka.

Hadallada ku qornaa war saxaafadeedkan oo ay caro xoog leh ka muuqatay ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabada shaacinta jadwalka ay bilow u tahay wax ay ugu yeedheen “booska doorashada heer qaran”.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in arrintan ay abuureyso xasarad siyaasadeed.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa horay u qaaddacay jirintaanka guddiga doorashada, iyagoo ku andacoonayay in ay ka dhex muuqdaan shakhsiyaad aan dhex dhexaad ka noqon karin natiijada iyo caddaaladnimada doorashada.

Bayaankan ayaa sidoo kale dhaliil weyn loogu jeediyay madaxweyanaha dowladda Federaalka.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in ay qaswade u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo, meelna looga soo wadajeesto, si wadajir ahna looga hortago ficillidiisa gurracan ee halista gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka”, ayaa lagu yidhi.

Hadalkan ayaa yimid saacado yar kadib markii guddiga doorashada ay sheegeen in diiwaan galinta tartamayaasha doorashada Aqalka Sare ay billaabaneyso 26-ka December, 2020-ka, halka laga sugayo madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada in liiska musharraxiinta ay soo saaraan 29-ka December, 2020-ka, kaddibna doorashada kuraasta golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystiri doono inta u dhaxeysa 31-ka December ilaa 6-da January, 2021-ka.”