Fanaan Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Mainz:- Waxaa dalka jarmalka ku geeriyooday fanaankii weynaa ee qaranka soomaaliya Cabdi Cali Bacalwaan sida uu xaqiijiyay wariyaha warbaahinta qaranka Maxamed Aweys Muudeey oo si dhow ula socday xaaladiisa.

Rabi ha u naxariistee Bacalwaan ayaa ku dhintay isbitaal ku yaala magaalada Mainz ee jarmalka halkaas oo xanuun loo seexiyay.

Marxuumka ayaa xaaladiisa caafimaad ay liidatay maalmihii u danbeeyay wuxuuna ku jiray xaalad miir la’aan ah.

Cabdi wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii ciidanka xoogga dalka la odhan jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan-askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka.

Wuxuu ahaa heesaa , mu’allif iyo weliba laxamiiste , laxannadiisa waxa ka mid ahaa midka uu saaray heesta Afrikaay hurudooy oo uu allifay Ismaaciil Xirsi Farxaan , markii koowaaadna ay qaaday Saynab-baxsan Xaaji Cali Siigaale balse ay Magool ku caanbaxday.

Cabdi cali Bacalwaan ayaa ka mid ahaa tiirarkii kooxda qaranka ee hobalada waabari.