Doqonnimo aanan wali laga gudbin!!!

Aniga i wareyso oo cidda iga aragti duwan haddaad wareysato waan ku xirayaa!!! Intan ka badan warbaahintana ma tikniko ayan u sameynaaa?!!!

Intaas ka dib, waxaa la sheegaa hadda ka hor in nin meel fadhiya uu u yimid nin kale oo bud sita, markii uu soo dul istaagay, ayuu budkii la dhacay ninkii fadhiyay. Ninkii dhibanaha ahaa oo jaho wareersan ayaa goobti ka cararay, halka kii wax geystayna, uu isna goobta ka cararay.

Dhibanihii oo ay ka muuqato wijigiisa wixii gaaray, ayaa magaalada u soo dhaadhacay, ka dib waxa uu baadi goob u galay ciddii dhibaateysay. Waxa uu soo maray meel uu fadhiyay ninkii dhibka u geystay, wuuna iska agmaray, isaga oo aan la hadlin, mid kaloo dhacdada lasocday baa ku yiri, war ninyahow so hebal ma aheyn ninka ku dhibaateeyay?! Markaasuu dhibanihi yiri “war isaga waxaba kuma falaayo ee waxaan baadi goobayaaa budkii igu dhacay, walina dhaayo masaarin waanna helidoonaa” saa ninki kale anfariiray.

Sheekadan waxaan ula jeedaa wariye ayaa la xirayaa hebel ayuu wareystay darteed, maa la xiro – haddiba xariga sharci darro ah lagu dhaqaaqayo oo runta la sheegayo- kan wareysiga bixiyay, oo isaga qudhiisu xaq u leh in uu warbaahinta u yeerto si la mid ah midka wax xiraya.

Rugcaddaa warbaahineed Ustad Abdulkadir Farah Dulyar waa in uu xorriyaddiisa helaa, magdhowna laga siiyaa xadgudubka loo geystay, iyadoo awoodda sharciga si khaldan loo isticmaalayo.

Hassan Mutawakal