Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo kororsaday muddo xileedkooda.

Barlamaanka maamulka Hirshabeelle oo maanta shir ku yeeshay magaalada Jowahar ayaa muddo xilleedka maamulkaasi ku kordhiyay sanad dheeraada.

Muddada maamulkaasi oo ahayd markii hore afar sanno ayaa hadda laga dhigay shan sanno kadib markii xildhibaannada maamulkaasi ay cod u qaadeen.

Haddaba si aan jawaab ugu helno sababta hadda keentay in la kordhiyo muddo xilleedka hay’adaha maamulka Hirshabeelle waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan taleefanka kula xiriiray gudoomiye kuxigeenka barlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdillahi, wuxuna marka hore weydiiyay go’aanka muddo kordhinta ah ee ay qaateen?