Naayaa naga Aamus. =Faallo=

1. Gabadhaada, Ha ka xirin Afka, Ha ku cabsiin Carabkaa lagaa jarayaa, ha ka xirin Lugaha, hana ka dhigan wax aad ku dul istaagto (F.S: 1-7aad )
Xasuus hor dhac ah.
2. Xasuuso Dhibbka ey Hooyo kugu dhashay ,sida ey kuu quudisay, Hooyo mar kasta wey Aqbashaa si kasta oo aad u niyad jabiso, Xaq Beni aadam oo dhan in aad gudo waa suura gal, laakin kan Hooyo ma gudi kartid. (F.S: 8-11 aad )
3. Qofkii ugu horeeyay ee Xaramka la dajiyay waxa ey aheyd Haween. waa Haajira.
Qofkii ugu horeeyay ee Rrasuulka Aaminay waxa ey aheyd Haween. waa khadiija RC.
Qofkii ugu horeeyay ee Dhiigaada lagu daadiyay , u dhimatay Dariiqa Alle waa Haween . waa Samiyatu umu Caamaar .
Suuradda Sadaxaad ee Qur’aanka you dheer waxaa loogu magac daray Haween. waa suuratu Nisa’a.( F.S: 12aad)
4. Fiiri Xadiithka Saxiixul Muslim ku qoran.( Aduunyo waa mataac lagu dhaqmo, waxa lagu dhaqmo oo mataac Aduunyo ah waxaa ugu fiican Xaas saalixad ah) waa tan ugu fiican Dunda wax dhaqan nololeed ahaan lala falgalo.( F.S: 13aad)
5. Fiiri: Xadiith Bukhari uu soo wariyay ( Qofkii u istaago Musaalaxada Haween Garoob ah ama Miskiin. waxa uu la mid yahay Mujaahid Dariiqa Alle ama Qof Habeenkii Cibaado u istaagay, Maalintiina Soon. ( F.S: 14aad)
6. Khudbadii ugu dambeeysay “Khudbadii wadaac”.Rasuulka CSW waxa uu ka dardaarmay Haweenka weliba isaga oo 3 mar ku celceliyay: ( waxaan idinkala dardaarmayaa Haweenka inaad u khayr fashaan ).
7. Fiiri, Xadiithkii Bukhaari uu soo wariyay .Rasuulka CSW ayaa yiri: Sadaqo waxaa ugu weyn Quuud ,Ninku Xaaskiisa Afka uu u galiyo. ( F.S: 15aad)
8. Allaah ayaa Qur’aan nagu amarya oo nagu yiri: (wanaag kula dhaqma Haweeenka). (F.S: 16aad).
9. Ma jirto Aduunka Diin sida islaamka u dhowree Xuquuqda Haweenka. 100 Sanno ka hor Reer Galbeedka qaar Sharcigu waxa uu mamnuucayay in Haweentu Hanti yeelaan karto, ilaa maanta looma ogolo magaca Reerkeeda in ey sheegato haddii la guursado, waxa ey qaadanee magaca Ninkeeda.
10. Naayaa naga Aamus, ha ku dhihin haweenka, Akhlaaqda in ey dhoowrto waa muhim, laakin in lagu Celiyo Xaqqa in ey sheegto ama Aqoon laga faa’iideysan lahaa ,lana yiraa Naayaa naga Aamus ma wanaagsano. Caa’isha RC Meeqa Xadiith oo ey Rasuulka CSW toos uga soo warisay ayaa laga faa’iiday, Qur’aanka waxaa naloogu sheegay Qisas badan oo ku saabsan Xigmado Haween oo laga faa’iiday.
11. Somalida ayaa ku maahmaadu ( Gabadhaadu waxa ey Gabadhaada tahay inta ey nooshahay, Wiilkaagu waxa uu wiilkaaga yahay inta uu ka guursanayo) inkasta oo Cagsigu suura gal yahay, oo caasi iyo Baariba ey labadaba ka mid noqon karaan.
Gunaanad.
Gabadhaada Ka waani Hadal xun in ey tiraa ama meel xun ey lugteeda dhigto, laakin ha caburin oo ha dhihin Naayaa naga Aamus. waalid iyo walaaloow la saaxib Gabadhaada.
Qormadaan waxaan qoray kadib markaan Xaafadda Subaxaan ku arkay Gabar yar oo Walaalkeed uu ka celinayo Xaqqa in ey sheegto, Isaga oo leh Naa naga Aamus.
FG: wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar, Arragtidaadu waa muhim.
Qore: Yahya Amir.