Madaxweyne Trump oo ku Gacan-seydhay Qorshe ay meel mariyeen Golaha Senate-ka.

WASHINGTON:-Madaxweyne Donald Trump ayaa ka hor yimid sharci xubnaha Aqalka Senate-ka Mareykanka ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen kaas oo khuseeya kharash degdeg ah oo lagu kabayo dadka dalkaas ee uu dhaqaalahoodu hooseeyo.

Sharcigan oo ah midkii labaad ee la meel mariyo tan iyo markii ay bilaabatay dhibaatada fayraska safmarka ah ee korona ayaa waxaa looga gol-leeyahay sidii dadka ay shaqa la’aantu ku dhacday loo kaabi lahaa.

Hasa yeeshee, Donald Trump ayaa gaashaanka u daruuray qarashan ay meel mariyeen aqalka Senate-ka, kaas oo dhan 9-boqol oo billion oo dollar. Soomaali badan oo ay saamaysay shaqo-la’aanta uu sababay cudurka Covid-19, ayey u badan tahay inay dhaqaalahaas qeyb ka heli doonaan.

Trump ayaa ku dooday in lacagaha lagu kaabayo bulshada Mareykanka la kordhiyo isaga oo tilmaamay in 2,000 oo dollar la siiyo dadka aan xaaska ahayn kuwa qoyska ah oo hadda loo qoondeeyay 600 doollar labadii todobaadna la siiyo 4,000 oo dollar.