Madaxweynaha Somaliland iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo gaaray Dalka Jabuuti.(Kulan ay yeelanayaan Madxweynaha Jabuuti).

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland & xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa maanta safar ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti si uu ula kulmo Madaxweynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarka Muuse Biixi oo ah mid degdeg ah waxa uu salka ku hayaa sidii uu Geelle ugala hadli lahaa xaaladda Siyaasadda & qodobo kale oo aan ilaa haatan loosoo bandhigin Warbaahinta balse marka ay kawada xaajoodaan kadib lasoo bandhigayo.

Qoraal kooban oo Madaxtooyada Somaliland kasoo saartay Safarka Muuse Biiixi waxa ay ku sheegtay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu kala hadlayo Danaha, xiriirka & xiriirka sida hadalka loo dhigay.

Ilo diblumaasi ayaa Mustaqbal u sheegay in Madaxweynaha Jabuuti & Muuse Biixi Cabdi ay kawada hadlayaan dib usoo celinta wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland, waxa ka qabsoomay & halka ay ku dambeeyeen guddiyada labada dhinac.

Muuse ayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed muujinaya, waxa uu dhawaan tagay Magaalada Nairobi Caasimadda Kenya oo dhowr cishe uu ku sugnaa ugu dambeyn war laga soosaaray kulamada uu la qaatay mas’uuliyiin uu ugu derajo sarreeyo Uhuru Kenyatta.

Balse inta uusan soo idleen safarkiisa Nairobi waxaa xiriirka diblumaasi Kenya u jaray Dowladda Soomaaliya kadib xad-gudub ay ku sameysay Madax-bannaanida Siyaasadeed, Dhuleed & sharafka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa xigay safar uu hargeysa ku tagay Wasiirka Arrimaha DIbadda Malawi, halka bilihii lasoo dhaafay uu u ololeynayay sidii loo xoojin lahaa Xiriirka curdinka ah ee Taiwan uu la sameystay Muuse Biixi Cabdi.