Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed “Ujeedada ugu weyn ee aan u soo saareyno Shidaalka Soomaaliya waa in faqriga..”

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faah-faahiyay habka loo maamulayo qandaraas bixinta Shidaalka Soomaaliya.

Ibraahim ayaa sheegay in Guddigoodu uu ku howlan yahay ka dhaadhicinta Shirkadaha si ay ugu dhiiradaan Soomaaliya, maadaama cabsi ay ka muujinayaan Xaaladda ammaanka & Siyaasadda Dalka.

Su’aalaha ugu badan oo ay weydiinayaan Shirkadaha maalgelinta Batroolka sameeyo wuxuu ku sheegay inay tahay sida ay ugu kalsoonaan karaan dhaqaalaha ay gelinayaan Soomaaliya & sida uu dib ugu soo laaban karo.

“Habka Qandaraas bixinta waa mid ku saleysan hab hufnaan ah oo ay u siman yihiin shirkadaha, annaga mas’uuliyad ayaa na saaran, waxaan dooneynaa heshiis ummadda Soomaaliyeed u cuntama oo aan soo jiidano Shirkadaha, iyaga oo la weydiinaya ammaanka & siyaasadda Dalka” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Ujeedada ugu weyn ee aan u soo saareyno Shidaalka Soomaaliya waa in faqriga & shaqo la’aanta dhalinyarada laga baxo, waxaa naga go’an in Ummadda Soomaaliyeed uga faaiideystaan hab ka duwan Dowladaha qaar oo ka baahan”.

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan Dowlado Shidaal leh oo ka xasiloon Soomaaliya amni & Siyaasad ahaan, Balse halkaas ay ku qul-qulayaan shirkadaha iyaga oo wax ka eegaya dhinacaas.