Dowladda Soomaaliya oo heshiis deyn_cafin ah la saxiixatay qaar ka mid ah Dalalka Yurub.

Muqdisho:-Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa ku saxiixay heshiis yada Deyn_Cafinta oo hore ay u soo saxiixeen masuuliyiinta dalalka ku bahoobay Naadiga Paris  “Paris Club”.

Saxiixaan ayaa daba socda go’aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso ee sanadkaan 2020 kuwaasi oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,oo lacagta doolarka mareynkanka.

Sidoo kale heshiiska shirkaasi qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay.

Isu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan dowladood waa England, Denmark iyo Netherlands. waxaana ay gaareysaaa lacag dhan $69.9 million.oo doolarka mareykanka