Wasiirada Caafimaadka maamul goboleedyada iyo DFS oo shir uga furmay Muqdisho.

Waxaa bilawday Shirka Wadatashiga Waasaaraddaha Caafimaadka ee Maamul Gobaleedayda Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka Iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan Wasaaradaha Cafimaadka maamuladda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, GalMudug iyo Hirshabelle Shirkan oo socon doona 21 ilaa 23 December ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa Arimaha wadashaqeynta iyo mas’uuliyaadka ay kala leeyihiin Wasaaradaha Caafimaadka heer Federal & heer Maamul Goboleed.

Sidoo kale waxaa lagawada niqaashi doonaa nidaamka Isku-xira Caafinmaadka & Xog is-dhaafsiga (Coordination & Communication) ee kuwada shaqyeeyaan Wasaaradda Caafidmaadka XFS, Wasaaradaha Caafimaadka Maamul Goboleeydada & Hay’adaha bahwadaagta ee Soimaaliya ka caawiya horumarinta adeega caafimaadka dalka.

Dhanka kale inta uu shirku socdo waxaa la isweydaarsan doonaa warbixino la xiriira mashriicda hada socota iyo kuwa bilaaban doonaa, waxaana siwadajir ah loo diyaarinaya qorshaha hawleedka sandka 2021 iyo halbeegaydiisa.