Dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada dowladda soomaaliya xalay ka dhacay magaalo madaxda gobolka shabeelleda hoose ee Marka.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii isfahamwaa uu soo kala dhaxgalay ciidamo u abaabul sida maleeshiyo beeleed ah, hase yeeshee ka kala tirsan malitariga iyo Nabadsugida soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in isku dhacaan uu ka dhacay gudaha magaalada Marka, kuwaasi cabsi ku abuurtay shacabka ku nool magaaaladaasi.
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hada waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday dhinacyadii dagaalamayay, halka dad shacab ah uu wax ka soo gaaray dagaalka, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah.