IGAD oo aan ka hadlin khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

JABUUTI:-Hoggaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD oo shalay ilaa xalay shir aan caadi ahayn ku lahaa magaalada Jabbuuti ayaa soo saaray war murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ka Shireen.

Shirka arrimihii looga hadlayay ayaa ahaa kuwo khuseeya dalalka xubnaha ka ah ururka ee Suudaan, South Sudan, Itoobiya, Soomaaliya iyo cudurka safmarka ah ee dunida halakeeyay.

War murtiyeedka meelna loogama sheegin waxa ay hoggaamiyeyaashu ka dhaheen khilaafka ka dhex aloosan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in urur goboleedka IGAD ay ka codsatay shir degdeg ah oo looga hadlayo khilaafka kala dhexeeya Kenya.

Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya, iyadoo ku eedaysay in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya eeddaasi gaashaanka ayey u daruurtay.

Kulankana waxaa labada dal uga qeybgalay labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Kenyatta.

Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo furitaankii shirkaas ka hadlay ayaa sheegay sida loogu baahan yahay in si degdeg ah xal loogu helo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Urur goboleedka IGAD oo dhidibbada loo taagay 1996-kii ayay ku mideysanyihiin dalalka dhaca Bariga Afrika ee Soomaaliya, Suudaan, Jabuut, Itoobiya, Yugaandha, Koofurta Suudaan iyo Kenya.