Wadammo reer Yurub ah oo xayiraad socdaalka ah ku soo rogay Ingiriiska korona awgii.

Dalalka Yurub ayaa xayiraado dhanka socdaalka ah ku soo rogay Ingiriiska ka dib markii dalkaasi sheegay in fir-cusub oo aad loo kala qaado oo fayraska karona ah wadankaas laga helay.

Ireland, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Holland iyo Belgium ayaa dhamaantood joojiyey diyaaradihii u kala duuli jiray wadamadooda iyo Ingiriiska.

Waxa sidoo kale lagu wadaa in saaka oo Isniin ay shir iskugu yimaadaan xubnaha Midowga Yurub oo lagaga arinsanayo sida tallaabo wada jir ah oo ka hortag ah loo qaadi lahaa.