Shir madaxeedkii IGAD oo Djibouti lagu soo gebogabeeyey.

Waxaa xalay lagu soo gebogabeeyey magaalada Djibouti ee jamhuuriyadda Djibouti shirkii aan caadiga ahayn ee madaxda urur goboleedka IGAD.

Shirkaas oo lagaga hadlayey arrimo badan oo gobolka khuseeyaa ayaa la filayaa in maanta war-murtiyeedkii ay madaxdii halkaa ku shirtay isla meel dhigeen laga soo saaro.

Waxa shirkaan aan caadiga ahayn hareero socday shir ay yeesheen dalal gaara oo xurguf diblomaasiyadeed dhex taal sida Soomaaliya iyo Kenya oo madaxweyneyaasha labada dal ay shir ku yeesheen magaalada Djibouti.