Shir maamul dajinta ah oo Puntland ka furmay.

Waxaa magaalada Boosaaso ka furmay shir la doonayo in maamulka adeegyada asaasiga ah loo daadajiyo ilaa heer degmo.

Ujeedada ayaa la sheegay in ay tahay in degmooyinku la wareegi doonaan maamulka, qorshaynta iyo fulinta adeegayda aasaasiga ah sida waxbarashda iyo caafimaadka.

Qorshaha ayaa ah in wixii lagu gaaro 2024-ka degmooyinku ay maamuli doonaan ,qorshaynta, naqshdaynta, iyo fulinta adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha ee dawlad goboleedka Puntland, Maxamed Cali Nuur Jubba, oo u waramay Cabdifataax Ibraahim Cagayare ayaa faahfaahinaya.