Safaaradda Mareykanka Ciraaq oo lagu weeraraay dhowr gantaal.

Warbixin ay soo saareen ciidanka ciraaq ayaa lagu sheegay in sideed gantaal lagu riday safaarada oo ku taala aaga cagaaran ee sida aadka ah loo ilaaliyo .

Safaarada mareykanka ee ciraaq ayaa xaqiijisay iyaduna weerarka waxay sheegtay in la howl galiyay hanaanka difaaca ee gantaalada hawada ku burburiya kaas oo safaarada ku yaal.

Illaa hadda ma cadda qasaaraha dhabta ah marka laga reebo bubur yar oo gaaray qeybo ka mid ah dhismaha sida safaaradu sheegtay.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo bisha soo socota iraaniyiinta iyo qolyaha la jaalka ah ee ciraaq ku sugan ay xusayaan sanad guurada koowaad ee dilka sarkaalkii reer Iran Qassem Soleimani kaas oo 3 Janaayo ee sanadkan lagu dilay Ciraaq