Madax ka socota Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo la kulmay Muuse Biixi

Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha  Somaliland wuxuu maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).

Ujeedooda ayaa lagu sheegay in ay tahay qiimeynta xaaladdaha ay ku sugan tahay Somaliland.

Magcyada Wafdiga ANC:-

  1. Mr Abner Mosaase
  2. Mr. Malose Ramashala
  3. Mr Allen Magumbi