Kula lihi 9aad Qormadii Xusseen Wadaad

Hussein Wadaad
Aamus
baan ku jawaabay, inta aan ka arkaayo meel qummanaan iskala jaanqaadi karno. Waxaa saas ku gaabsaday waaGalool oo salluugsan qaabka xaalku yahay iyo dooddayada.

Jaalle  ”Macallinoow, Hebelna yaa dilay? Xaase loo dilay?

Jaalloow, see camalkaana, waxaan ku mooday in aad waxbadan garatee, tanya tii wixii aan soo wadnay miyeeyna waxkaaga bixin?

Mayee, mayee ,ii wad sheekada. Kuye Jaalle.

Jaalloow, warkeenu, weysu ammaane, warkaan kor ha u qaadin, minaad qaaddana, waa uun isla tegeynaa oo kala herimayno. Waxaan noqonaynaakalama herto iyo dhasheed”.

Aan hee kugu sir qarsadeeHebelka aad sheegtay, isagu , mahelyo waxa loo dilay iyo cidda dishay. Kan dilayna ma ogawaxa uu u dilay, iyo cidda uu dilayba. Haddaba mahaas, waxma kaaga bexeen,mise?

MacallinDamiin far-waaweyn aa wax loogu dhigaa aanmaqli jiray”, inkastoo ani aanan damiin aheyn, MacallinMacoow, waa warsan kartaa iniin anii damiin aheyn. Waxaasaas leh waa Jaalle, oo raba in arrinka loo balballaarsho.

Toloow, ma balballaarshaa, mise? Waa kaa Jaalle warkeeygasaluugsane.

Cod xabeeban oo meel dheer ka hadlaayo ayaa i leh ”No way” ”War hooy ka joog, war hooy ka joog”. Waxaa kale oo uu siidabadhigayshallaayi waa tii dambeyso”, ”Nin kuu digaykuma dilin”.

Yaah, yaah, markaan laba jeer iri, ayaa Jaalle soo booday oolehMacallin Yaad la hadlee ood yaah yaahda heeysaa?”.

Jaalle, isagu maba maqla codka aan maqlo. See camalna?.

Ma ogi…Ma ogi!.

Intii aanan u jawaabin ayaa haddana codkii aan maqlaayay oosii daciifaayo i yiri ”Af daboolan dahab”.

Waa anigaa kor u leh ”Af-daboolan Dahab aa”,Afdaboolandahab aa…Af-daboolan dahab aa!!.Kadib maxaa dhacay? Aniga war iyo wacaal uma haayo.

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com