Dalalka Belgium iyo Holand oo COVID-19 dartiis u mamnuucay duulimaadka ka imaanaya UK.

Brussels:- Tiro kamid ah dalalka Midowga Yurub, ayaa ka fekiraya sidii xariyaad u saari lahaayeen dadka uga imaanaya dalka UK, si looga hor tago faafitaanka fayraska coronavirus.

Dalalka Holand iyo Belgium waxay joojiyeen duulimaadyada uga imaanaya dalka UK, sidoo kale Belgium waxaa laga xayiray tareenada.

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Luigi Di Maio, ayaa sheegay in xukuumaddiisu joojisay duulimaadyada, iyadoo dalalka France, Jarmalka iyo Ireland talaabo taas lamid ah qaadeen si loo xakameeyo mowjadaha cusub ee safmarka corona.

Cudurka ayaa si deg deg ah ugu baahaya magaalada London iyo koofur bari gobolka England, ra’iisul wasaare Boris Johnson ayaa sabtidii soo saaray xayiraad afar heer ah taas oo loogu hor tagayo faafitaanka cudurka inta lagu jiro ciidda Masiixiga.