COVID-19: Sacuudiga oo Joojiyay Duullimaadyada Caalamiga ah.

RIYAD:-Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in muddo todobaad ah ay dalkeeda gabi ahaanba ka joojisay duullimaadyada caalamiga ah sababo la xariira nooc ka mid ah feyraska Korona oo dalkaas lagu arkay.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in duullimaadyada caalamiga ah ee haatan dalkeeda ku sugan loo oggolaanayo in ay isaga baxaan dalka.

Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegay in furdadaha badda iyo soohdimaha dhulka iyagana la xiray muddo todobaad ah iyada oo ay suuragal tahay in go’aankan dib u eegis lagu sameeyo.

Sida uu dhigayo go’aanka ka soo baxay Sacuudiga waxa uu gabi ahaanba joojinayaa duullimaadyada caalamiga ah ee dalkaasi yimaada iyo kuwa ka baxaya intaba.

Riyaad ayaa laga yaabaa in ay sii kordhiso xayiraadaha duullimaadyada caalamiga ah ee ay haatan soo rogtay.

Sacuudiga ayaa dhammaan muwaadiniintiisa socdaallada ku soo maray dalalka Yurub saddexdii bilood ee u dambeysay ka codsaday in ay baaritaan caafimaad isku sameeyaan si loo hubiyo fayoobidooda.

Go’aanka ka soo baxay Sacuudiga ayaa la filayaa in uu saamayn ku yeesho qorshayaasha kumannaan muslimiin ah oo cumreysan lahaa iyada oo ay xusid mudan tahay inxanuunka Korona uu saamayn ku yeeshay cumrada iyo xajka sanadkan sii dhamaanaya.